Home » Nolosha Jilaayaasha » Esha Deol maamo diyaarsan oo dadka baratay gabadheeda Radhya (+sawiro)

Esha Deol maamo diyaarsan oo dadka baratay gabadheeda Radhya (+sawiro)

Atirishadii bilawgii qarnigaan Bollywood-ka kusoo biirtay Esha Deol haatan waxay u badatay nolosha gurigeeda ayadoo waqtigeeda inta badana la qaadato gabadheeda Radhya.

Esha Deol iyo seygeeda Bharat waxaa noloshooda kusoo biirtay gabadhooda Radhya taariikhda markay ahayd 23 October 2017.

Marka hore Esha Deol ma jacleyn gabadheeda Radhya inay baraha bulshada soo dhigto markaan ayay dunida la wadaagtay quruxleydeeda aadka loo doon doonayay in muuqaalkeeda la arko.

Radhya 23-ka bishan ayay 9-bilood jirsan doontaa waxayna hooyadeed soo qortay qoraalo xiiso badan sida “Waa sedexdeena” iyo “Waa aniga, Bharat iyo quruxleydeena aadka u dhalaaleyso Radhya”

Haddaba aqriste ma is leedahay Esha Deol iyo gabadheeda Radhya muuqaal ahaan wey is shabahaan mise Radhya dhanka aabaheed Bharat ayay u dhaw dahay muuqaal ahaan.