Faalo Kooban Oo Ku Saabsan Netflix Cida iska Leh Aflaamta Ay Baahiso Xiliga Ay Bilowday iyo Saamaynta Balaadhan Ee Ay Ku Yeelatay Caalamka.

1
2158

Netflix Waa Shabakad Muuq Baahiye Online ah Oo Laga daawado Aflaamta Dukumantiyada Iyo Waxyaabaha La Midka Ah.

Reed Hashting Iyo Marc Randolph Oo Ah 2 Nin Oo American Ah Ayaa Dhagax Dhigay Shabakadan/Shirkadan 29 Augost 1997kii.
Xarunta Guud Ama Madax Xafiiseedka laga Maamulo Nexflix Waaxay Ku Taalaa Las gatoz California.

Netflix Oo Ah Aplication Ka Ugu bdn Ee Maanta Ay Isticmaalan Dhalinyarada Somalidu Waa Mid bulsho Waynta caaalmka Wax badan Ka Badalay Hab Nololeedkooda Maalinlaha Ah.

Sida iska Cad 3 Qof Ee Meel Joogta 2 Ka Mida Ayaa Istitcmaala App Kan.

Waxa Xusid Mudan Inay Jiraan Shabakado bdn Oo Aflaamta Sameeya Maal galiya kadibna Baahiya Sida HBO, Showtime Networks, FOX, STARZ, Disney, Amazon Prime Video, iyo Hulu
Oo Isugu Jira Kuwa Online Ah Iyo Kuwa Channels ah Lkn Ma Jirto Mid Sida ay Netflix Wax u baahiso u baahiya Ama loogu Xidhan Yahay.

182.8 Milyan Oo Subscriber Ayaa Ku Xidhan Netflix ,74 Milion Oo Ka Mida Waxa Laga Isticmaala Gudaha USA.

Sanadkii 2016 Waxay Netflix baahinteeda Online Ka Ah Gaadhay 190 Wadan oo Ka mida Ah Caalamka.

Netflix Waxyaabaha Ay Kaga Fiicantahay Shabakadaha Kale Waxa Ka Mida Waxa Adeegeedu gaadhsiisan Yahay Dhamaan Daafaha Dunida Marka Laga Tago Qayb ka Mida Dhulwaynaha Chinaha, North Korea cremia Iyo Syria Oo dawlada Maraykanku Shirkadaheeda ka Ganaaxday Sababo Gaar Ah.

Filmkii Ugu Horeeyay Ee Original Ahaan Ay Iska leedahay Netflix Waa Taxanaha House of Cards Oo Soo Baxay 2013.

Wixii Ka Horeeyay Waxay Baahin Jirtay Aflaam Aanay Lahayn iyo Kuwa ay Gacan Ka Gaysatay.

Laga soo Bilaabo 2013 ilaa 2020 Waxay Netflix samaysay in ka bdn 1500 Oo film Oo Original Ahaan Ay Iyadu Leedahay Waxa Ka Mida Aflaamta Ugu Caansan Ee ay Samaysay Taxanayaasha Ay Ka mid Yihiin Narcos , Stranger Things iyo The Crown
Xiligan La Joogo Netflix Waa Shirkad wayn Dhaqaale ahaan Hantida Ay Ku fadhido Waxa lagu Qiyaasaa $125bilion Dollar Waxay Kor u dhaaftay dhamaan Shirkadaha La Tartama.

W.D. Cabdishakuur Shakti.

1 COMMENT

  1. Saaxib mahadsanid laakin waaxan rabay inaad ii shegto wadankena somalia kuma shaqeeyo number marka aan application Soo dajisto numberkena +252 kuma shaqeenayo maxaan sameeyaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here