Home » Nolosha Jilaayaasha » Fadeexad cusub: Director Sajid Khan oo lagu dhagan yahay tacaddi inuu geestay labada atirisho Saloni Chopra & Rachel White

Fadeexad cusub: Director Sajid Khan oo lagu dhagan yahay tacaddi inuu geestay labada atirisho Saloni Chopra & Rachel White

Waxan caadi ahayn ayaa Bollywood-ka ka socdo markaana sheekada waxay ku foorartaa filim sameeye Sajid Khan oo fadeexad dhexda ka taagan laguna heesto inuu taccadii fara xumeyn ah u geestay labada atirisho ee aan awooda fanka ku laheyn Saloni Chopra & Rachel White.

Saloni Chopra waa atirisho sidoo kalena joornaalista si madax banaan u shaqeesato waxayna sheegtay in Director Sajid Khan faraxumeyn u geestay asigoo damacsana inuu la raaxeesto markii ay fanka ku cusbeyd balse ka diiday kadibna u jirkeeda si qasab ah ku taab taabsaday una dheereed inuu si maskixin ah u badhliyan waxayna arintaan u sheegtay barnaamijka Me Too Movement ee ah olo olo lagu dhiiri galinaayo dumarka inay banaanka so dhigaan gabood falka loo geestay oo ay ka cabsan jireen inay banaanka soo dhigaan.

Sidoo kale atirishada Rachel White oo Emraan Hashmi la sameesay filimkii Ungli (2014) ayaa arin aad loo yaabay kusoo bandhigtay barnaamijka Me Too Movement ayadoo sheegtay in Director Sajid Khan si fool xun ula dhaqmay xili ay shaqo weydiisatay asigana wuxuu weydiistay shaqada ay ka rabto inay galmo uga badalato waxaana dhacday markii ugu horeesay oo ay kulan shaqo ugu tagtay inuuba xafiiskiisa dharka ku dhex siibtay.

Rachel White waxay tiri “Sajid Khan ayaan shaqo weydiistay marki filimkiisa Humshakals doorashada jilaayashiisa lagu guda jiray wuxuuna Sajid igu balimayay gurigiisa  waxaana u sheegay in gurigiisa culees igu tahay inaan ku kulano wuxuna igu dhahay waa wax caadi ah haka wal walin arinkaas waxaan la noolashay hooyadeey weyna joogtaa ee guri cidlo ah makugu balaminin.”

“Markii aan gurigiisa booqday waxaan galay qolkiisa fadhiga laakiin qolka wuxuu ahaa mid cidlo ah wuxuu i weydiiyay tijaabo filim jilista ah inaan sameeyo kadibna waan la wadaagay kadib wuxuu eegay naasaheyga wuxuuna igu yiri waad shidan tahay ee dharka gaab gaaban soo xiri (Bikini) si aan tijaabo kaaga qaado.

“Waxaan dhahay mudane waan ka xumahay halkaan waa gurigaaga ee xafiiska shaqada wixii tijaabo dhiman iiga qaad kadib waxaanba ka war helay Sajid oo dharka siibtay rabana inaan wadaag galmo la sameeyo!”

“Waan kasoo carararay qolkiisa anigoo naxsan kadibna waan soo baxay waxaan awoodi waayay dhibka igu dhacay inaan qof la wadaago madaama Sajid Khan nin awood badan yahay balse haatan waxaan helnay Me Too Movement oo qof walbo dhibkiisa uu la gabmanaa banaanka kusoo dhigi karo waxaan rajeynaa in Sajid dumarka laga qaban doono.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *