Atariishada Aslı Bekiroğlu waa atariisho turkish ah misna taxanayaasha jisho ayadoo taxanaheedii ugu dambeeyay uu ahaa Mi Mentira Mas Dulce kaasoo ay atariisho koowaad ka aheyd lana daawaday sanadkii hore 2019ka.

Hadaba atariishadaan ayaa hal mar waxaa ku furmay mowjad fadeexo ah kadib markii subax dhaweyd ku waabariisatay sawiradeeda oo qaawan kuwaasoo baraha bulshada siweyn loo wareejinaayo xili ay qaawaneyd.

Arinta ayaa waxay cirka sii gashay misna baraha bulshada sii gil gishay markii hadana baraha bulshada lasoo galiyay sawiro ayada iyo saaxiibkeeda oo qaawan arintaasoo siweyn u gilgishay Media-ha turkiga.

Atariishadaan ayaa go’aansatay ineysan aamusin misna ka jawaab celiso fadeexada loogu geystay baraha bulshada ayadoona shir jaraa’id ay qabatay ku sheegtay in maxkamad la tiigsan doonto dadkii falkaan foosha xun ka dambeeyay isla markaasna ay haatanba dacwad gudbisay baarisna ay socoto.

Dhanka kale qaar kamid ah jilayaasha Turkiga ayaa siweyn u garab istaagay atariishadaan ayagoona falka lagula kacay mid foolxumo badan ku tilmaamay.

Waan ka xunahay inaga masoo gudbin karno sawiradaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here