Fadeexo; Ninkii qabay atariishadii taxanaha Nuura oo sheegay in xaaskiisa la qiyaantay Kivanc Taltitug gogol dhaafna la sameysay jaceyl waali ahna u qabtay.

0
1857

Canberk Ucucu waa ninka qabay atariishada loo yaqaano Nuura (Songul Oden) oo ay horay Kivanc Tatlitug isula keeneen taxanaha Nuura soomaalida u taqaano.

Conberk ayaa xaaskiisa Songul ku eedeeyay iney jaceyl waali u qabtay Kivanc Tatlitug iyadoo waliba xaas la qabo aheyd isla markaasna ay jaceylkiisa qiyaantay.

Conberk ayaa yiri; “waxay guriga imaan jirtay xili dambey habeenkii iyadoona ku marmarsiyoon jirtay iney taxanaha duubeysay anoo waliba og in fiidkii howsha duubista dhamaatay”

Wuxuuna intaas ku daray “markii aan dhaho jooji habdhaqankaan iyo la socodhada Kivanc kaliya howshaada ku ekoow aad ayay u caroon jirtay sidii in Kivanc ninkeeda yahay ana kahor taagnahay taasna waxay ii cadeysay in khiyaano igu sameysay cadeymana waan u keeni doonaa”

Hadalkaan ayaa kusoo aadayo xili Conberk Ucucu iyo Songul Oden is fureen wuxuuna eedeyn noocaan oo kale kaga jeediyay maxkamada xiligii furiinkooda socday.

Lama yaqaano waxa ay Songul eedeymahaan kaga jawaabi doonto lakin saxaafada ayaa aad u hadal heyso kuna tilmaantay fadeexo inkastoo ninka qabay Songul uusan wax cadeyman ah la imaanin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here