Atariishada taxanaha turkiga ee Benim Tatlı Yalanım (beenteydii macaaneyd) kaasoo soo baxay sanadkii hore ee 2019ka laguna magacaabo Aslı Bekiroğlu taasoo door hogaamin ku laheyd taxanaha misna atariishl koowaad ka aheyd ayaa horaantii bishii hore fadeexo culus bartanka ka gashay kadib markii baraha bulshada lagu faafiyay sawiro iyadoo qaawan waliba Social Media siweyn u gil gileen.

Atariishadaan ayaa dhacdadaan markii ay qabsatay booliska ku wargalisay si sharciga loosoo taago dadkii ka dambeeyay in sumcadeeda dhulka lagalaan waxayna sheegtay in iyada aysan qajili doonin balse qajilaan dadkii sawirada xumaanta baraha bulshada ku faafiyeen.

Aslı Bekiroğlu oo siweyn uga carootay dadka falkaas foosha xun kula kacay ayaa sheegtay in sharciga la tiigsan doonto cid kasta oo sawirkeeda baraha bulshada ku faafisay misna maxkamad la kori doonto si aysan falkaan akhlaaq darada markale ugu kicin arintaasoo cabsi galisay dadkii falkaas ka dambeysay keentayna in dag dag baraha bulshada uga saaraan si uusan sharciga u qaban maadaama dal sharci leh ay joogaan misna maxkamad la isla koraayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here