Ayushmann Khurrana waa jilaa karti badan qaab jiliin cajiib ah leh waxuuba ku ammaanan yahay Ayushman fariimaha heerka sare ah ee uu saxiixanaayo waxaana xusid mudan in hader yahay atoore Filim iibin karo.

Ayushmann sanadadan dambe nasiibkiisa waa wanaagsan yahay Filmo Hit dhameestiran ayuu isku xijinayaa Filimkiisa u dambeuay Badla Hit ayuu noqday Aamir Khan intuu wiilkaan fiiriyay ayuu yiri,”wiilkaan Superstar-ka Mustaqbalka Bollywoodka ayuu noqon doonaa.”

Ayush ayaa ka sheekeyay dhacdadii ugu xumeeyd ee uu kala kulmay shirkada Bollywood-ka markuu ku cusbaa ee uu shaqo doonka ahaa waxuu sheegay inuu Filimsamey haleysan oo laga roone iyo anshax xumo ku kaco uu ka dalbaday inuu sariir la seexdo hadii uu doonaayo shaqo inuu ka siiyo Bollywoodka.

Ayushman shock ayuu ka qaaday hadalkaas isla markii ayuu kasoo cararay meesha oo ahed xafiiska Director-kaas wuu diiday inuu magaca Director-kas sheego balse waxuu sheegay in Bollywoodka dad qariban buuxaan dad wanaagsan oo sharaf lehna joogaan.

“Dumarka kaliya laguma saqajaa Ragga xitaa shuruudo foolxun ayaa lagu xiraa markee shaqo doonka yihiin sida aniga igu dhacday Director hab dhaqan xun leh ayaa iga dalbaday inaan la seexdo hal habeen mana ilaawi doono hab dhaqankiisa xun.”

Daraad waxaan idiin la wadaagnay in Ranver Singh dhacdadan oo kale ku dhacday marka Bollywoodka laga roonayaal ayaaba buuxaan oo Ragga dalbadaan waaba meel haleysan qofkii nasiib leh ayaa ka badbaado hadii kale dhankiisa ayuu ka dabaalana badaas waana macquul jilayaal badan inee aqbaleen dalabyadan xun Ragg iyo Dumarba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here