Waxaan horey idiin kula wadaagnay inee guud ahaan fanka ka fariisatay atiriishadii yared ee Filimka Dangal kujirtay Zaira Wasim taaso sido kale hogaamisay Filimka Secret Superstar.

Gabadhaan oo markii horeba muslim ahed ayaa Alle SWT soo hanuuniyay waxayna u cabsatay in iimaankeeda Islaamnino nusqaamo sidaa darteed go’aan deg deg ayee qaadatay waxayna ku dhawaaqday inee Filim jilista joojisay jilayaal badan oo Bollywoodka katirsan ayaa go’aankeeda ku taageereen halka kuwa kalena dhaliileen inee iyadoo yar waqtigaan fariisato.

Sikastee ahaataba gabadhaan muuqeeda iyo maqalkeeda mudo waa la weysana waxaana la sheegay inee u jeedsatay cibaadada Alle iyo kuxirnaashihiisa aduunyada iyo mashquulkeeda wey ka dhex baxday balse baraha bulshada ayee hader kusoo noqotay hal arin oo ay dhibsataya ayeena ka hadashay.

Zaira waxay dhibsatay in taageerayaasheeda daawadaan Filimadeeda iyo sawiradeeda sido kalena quruxdeeda iyo qaab jiliinkeeda amaanaan waxayna sheegtay in danbi kusii socdo hadii ay sidaa sameyaan codsi ayeena udirsatat waxayna tiri iyadoo hadleyso.

“Anigoo og jaceylka iyo xushmada aad ii heysaan ayaan qoraalkan idiin kaga codsanaya hal arin waxaana rajeynaa inaad ii tixgalin doontaan midaas Insha’Allah, aniga waan ka towbad keenay jilista Filimada waxaana isku xiray oo u go’ay cibaada Allaha S.W.T waxaan idinka codsanaa inaad iska dhaaftaan daawashada Filimadeyda iyo sawiradeyda sido kale muuqaalkeyga iyo qaab jiliinkeyga aad ammaaneysaan iga dhaafa wey idhibeysaa.”

“Sababto ah marwalba danbigeyga ayaa ii siyaadayo hadaa sida sameysaan intaan kor kuxisay waxaan u cabsi qabaa iimaankeyga intaa i ammaani laheydeen ama i daawan laheydeen waxaad iigu duceysaan in Alle ii danbi dhaafo (mudadii aan fanka kujiray) iiguna duceya in iimaankeyga ii siyaado Allena ii dambi dhaafo codsigeyga ii tixgaliya waxaan rabaa anigo muslim ah towxiidkana heesta inaan geeriyoodo Jazakum Allahu Khayran.”

Walaasheen Zaira Wasim sidaas ayee soo qortay maalmo kahor haddii aad taageerayaasheeda kamid tahay fadlan codsigeeda u tixgalo wlh gabadha aad ayee u cabsi qabtaa towbad dhab ah ayeena towbad keentay marka qoraalkeeda lagu qiimeyo.

Zaira Wasim 3-Filim kaliya ayee sameysay oo kala ah Dangal, Secret Superstar iyo The Sky Is Pink hadaa uduceyn kartaan uduceya in Alle udanbi dhaafo bil Ramadan ayaa lagu jiraa wayna qushuucsantahay in badan wixii qalbigeeda kujira anaga ma garaneyno laakiin qoraalkeeda ayaan xukminay.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here