Fahriya Evcen oo kale ayaa raaliyo lagaa dhahaa hadii kale waa la iska dhaafaa.

0
1323

Atariishada caanka ah misna Turkishka ayaa aad uga taxadarto xaalada caafimaad ee ninkeeda Burak Ozcivit kaasoo ay is guursadeen sanadkii 2017dii waxaana u joogo wiil lagu magacaabo Karan.

Burak ayaa wuxuu ku mashquulsanyahay duubista taxanaha weyn ee Kurulus Osman kaasoo meel xiiso leh maraayo isla markaasna siweyn loola socdo balse waxaa caado u ah inuusan cunin cunto aanan aheyn midka ay xaaskiisa soo kariso.

Kooxda taxanaha duubeyso waxay leeyihiin cunto kariye howlaha cuntada u qaabilsan dhamaan kooxda taxanaha duubeyso maadaama duubista taxanaha ay maalintii dhan socoto ilaa habeenkiina la isla gaaro balse Burak ma cuno cuntadaas.

Fahriya ayaa ninkeeda jikada u gasho una soo diyaariso cuntadiisa ayadoona usoo dirto maalin walba cuntadiisa taasoo ah mid isku dheelitiran sidoo kalana caafimaadka u roon.

Arintaan oo hadalheyn ka noqotay goobta ay ka socoto duubista taxanahaan ayaa waxaa Fahriya aad loogu amaanay qaabka ay ninkeeda uga taxadarto/

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here