Fahriye Evcen oo kamid ah atariishooyinka ugu caansan turkida sidoo kalana ah xaaska jilaaga caanka ah ee Burak Ozcivit ayaa caalamka kaga yaabsatay sida uu miisaankeeda u kordhay mudadii yareyd ee ay umusha kula jirtay wiilkeeda yar.

Fahriye oo guursatay Burak Ozcivit sanadkii 2017dii ayaa dhawaan cunugeedii ugu horeeyay u dhashay ninkeeda kaasoo lagu magacaabo Karan balse waxaa markii ugu horeysay laga soo bandhigay sawiro dadka aad ula yaabeen.

Fahriye Evcen oo fasaxa sanadka kula qaadaneysay ninkeeda iyo wiilkeeda yar magaalada Bodrum ayay saxaafada u suurto gashay iney sawiro kasoo qaadaan waxaana aad loola yaabay sida waalida ah ee uu miisaankeeda u kordhay bacdamaa ay aheyd gabar dhuuban miisaankeedana aad uga taxadarto maadaama ay aheyd gabar Model ah sidoo kalana taxanayaasha iyo filimada jisho.

Arintaan ayay saxaafada aad u hadal heysay baryahaan sidoo kalana waxaa aad looga hadlay baraha bulshada iyadoo dadka qaar u garaabeen maadaama ay umul ku jirtay sababna u tahay in miisaankeeda kordho.

Hadaba sawirada fahriye laga soo bandhigay halkaan hoose ka daawo.

See the source image

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here