Fanaanadda caanka ah ee Rania Youssef oo ka qeybgaleysay Barnaamijka (Aniga, aniga) ayaa sheegtay inay la kulantay faraxumeyn welib mid kamid ah jidadka ugu mashquulka badan dalka Masar.

“In lagu kaadiyo jidadka bulshada isticmaasho ee dalka Masar wuxuu Sharciga Masar u dhigay ciqaab adag, balse waxaa jira arrimo kale oo kasii daran una baahan in wax laga qabto ”  ayey tiri fanaanadaan oo ka qeyb galeysay Barnaamijkaas.

Waxay ka dhawaajisay inay jiraan faraxumeyn ka dhacdo jidadka waaweyn ee dalkaas isla markaasna u baahan in wax laga qabto lana soo bandhigo qodobo adag oo arrintaas looga har tagay.

Waxay caddeysay in loo baahan yahay in la helo Cadaalad iyo xukun deg deg oo looga hortgayo faraxumentaas

” Xukumada ku saabsan faraxumeynta waxay qaataan waqti badan, wayna soo daahdaa cadaaladda”

Waxay intaas sii raacisay inay la kulantay faraxumeyn waqti hore, iyadoo tilmaamtay inay hadda is ilowsiineyso wixii soo gaaray.

Hadalka kasoo yeeray fanaanadaan ayaa dood iyo muran ka dhaliyey baraha Bulshada dalkaas.

Waa markii ugu horeysay ay fanaanadaan saxaafadda la wadaagto in la faraxumeeyey.

Jidadka dalka Masar ayaa waxaa mararka qaar ka dhaco kufsi iyo faraxumeyn loo geysto dumarka halkaas ku nool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here