Fanaanada Carbeed ee Naadiim oo weerar cir iyo dhul la kulantay kadib markii barteeda soo dhigtay sawir iyada iyo nin laga roone ah.

0
1300

Naadiim Nasiib Najiib waa fanaanad sidoo kalana Model u dhalatay wadanka Lubnaan waxayna barteeda soo dhigtay sawir ay kasoo wada muuqdeen iyada iyo nin laga roone ah kaasoona khabiir ku ah arimaha Mike Upka.

Nadim ayaa markii ay sawirkaas soo dhigtay la kulantay dhaleeceyn waxaana weerar dhinac kasta looga soo qaaday baraha bulshada ayadoona sixun loo caayay ilaa ugu dambeyn sawirkii ay baraha bulshada ka saartay.

Nadim ayaa markii ay sawirka saartay kadib soo qortay hadalkaan; “waa ceeb inaad qaabkaad rabtaan wax u xukuntaan ninkani waa khabiir Mike Up maxaa idinka galay haduu laga roone yahay iyo hadii kale”.

Waxayna intaas raacisay “Wuxuu iga caawiyay Mike Upka sidoo kalana mashaahiirta Hollywoodka ayuu ka caawiyaa marka maxaa ku jaban inaan sawir la galo kadibna idinla wadaago mida kale ma asigaa ah qofkii ugu horeeyay nuuciisa?”

Balse jamaahiirta ayaa markale baraha bulshada kusii jeexjeexay waxayna Nadim falkaan ku weysay shacbiyad aad u balaaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here