Pop Smoke wuxuu ahaa mid kamid ah fanaaniinta ugu dhalinta yar ee loogu jecelyahay waqtigaan la joogo gudaha Mareykanka asigoona soo qaaday heeso aad loo jeclaaday.

Fanaankaan oo kaliya 20 jir ahaa ayaa maanta lagu dilay gurigiisa ku yaalo Hollywood kadib markii labo nin oo hub ku hubeysan gurigiisa ugu galeen isla markaasna xabad ku dhufteen.

Pop Smoke ayaa asigoo nafta ay ku jirto loola cararay isbitaalka hase heeshee waxba waa laga qaban waayay asigoona durba geeriyooday.

Nimankii fal dambiyeedkaan ka dambeeyay ayaa goobta isaga baxsaday ayadoona booliska ay sheegeen inaan wali lakala garan hadii ay ahaayeen tuugo dhac u socday ama dad loosoo kireystau si ay fanaanka u dilaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here