Home » Arimaha Bulshada » Fannaan u dhashay Australia oo dhacay maqaayad xeebta ku taalla, balse qaabka uu u dhacay ayaa ilqabad leh!

Fannaan u dhashay Australia oo dhacay maqaayad xeebta ku taalla, balse qaabka uu u dhacay ayaa ilqabad leh!

Fannaan qaada heesta raabka ah oo u dhashay dalka Australia laguna naaneyso 2Pec ayaa wuxuu maqaayadda xeebta ku taalla ee Omeros Bros Restaurant kala baxday biil dhan 600 oo dollars.

Ninkaan ayaa wuxuu maqaayaddaan ku taalla xeebta ka dalbaday raashin qaali ah, markii uu dhammeystay raashinkaasna badda ayuu isku tuuray isagoo dabaal ku baxsaday, sida loo sheegay Maxkamadda Queensland Court.

Boliiska ayaa goobta loogu yeeray, si kastaba ha ahaatee, ma aysan soo qaban waqti xaadirkaas.

33 sanno jirkaan lagu naaneyso Australian 2Pec kaasoo uu magaciisa dhabta ah yahay Terry Peck ayaa wuxuu wajihi doonaa ciqaab adag haddii uu bixin waayo qarashka uu maqaayaddaan kala fakaday sida ugu dhaqsaha badan.

Terry Peck ayaa xitaa lagu heystaa inuu dhaawac u geystay mid ka mid ah askartii boliiska ee raacdeeyey.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *