Raja Hindustani waxaa lagu tiriyaa Filimada Hindiga ay sameyeen kuwoodii ugu maqaamka sareyaan waa Filim jaceyl hab aan inaba caadi aheyn loo sameeyay jilayaashii sameyeena misane hogaaminayeen ammaan iyo abaal marina yee aruursadeen.

Aamir Khan iyo Karisma Kapoor ayaa filimkaan hogaamiyeen sanadkii 1996 ayaana la daawaday waana mashruuc All Time Blockbuster noqday sido kalena ay ku xifaaltameen atooraha & atiriishadana aad ayaana loola yaabay doorarkooda sida loo sameeyay.

Dadkii daawadeen filimkaa badankooda iyo kuwa falanqeyaan Bollwyoodka waxay isku raaceen in Karisma Kapoor doorkeeda Filimka ugu saameeyn badnaa libintana iyada kaga heshay Aamir aad ayaa loogu waashtay Karisma sanadkaas doorkeeda iyo sidee u jishay waa loo sacab tumay wax badan.

Aamir bandhigiisa ugu sareeyay ayuu filimkaan kusoo bandhigay waana sababta uu ku noqday atoorihii ugu qaab jiliinka wanaagsan sanadkii 199y abaal marinta Filimfare qeybta Best Actor ayuuna ku qaatay sido kale Karisna iyadana atiriishada ugu wanaagsan abaal marinta ah ayaa la gudoonsiiyay.

Balse suaasha waxay tahay yaa saameeyn badnaa doorka atiriishada iyo doorka atooraha jawaabta waxay noqotay Karisma inee ka saameeyn badnaatay Aamir filimkaan inkastoo doorarkooda markii hore 50-50 loogu kala qeybiyay hadana doorkeeda ayaa noqday mid hadal heyn dhaliyay waxay kujishay taajirad dulqaad badan.

Farxadeeda oodhana ka hormarisay rabitaanka wiilkii iyada jeclaa dartiisana waxwalbo ayee u sameynee halka Aamir doorkiisa ahaa mid neceb dadka taajiriinta dabeecad qalafsana leh waxuu ahaa faqiir kibir badan iskana weyneysiiya taajiriinta hadana quruxda iyo dabeecada Karisma ayaa qalbiga ka xadeyso balse wuu fahmi weyna gabadhii uu jeclaa oo cadow ayaa kadhex faaideysanayaan.

Marka dadka Soomaalida dhankooda laga hadlo taasi fikirkeeda wey idii furantahay waad nala wadaagi kartaa shaqsiga aad u aragto inuu saameeyn badnaa hadii aad daawatay filimkaan xaqiiqna ka hadlaayo….

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here