Directore Farah Khan iyo Aktarka Vikrant Massey ayaa Isniintii shaaca ka qaaday in akoonadooda baraha bulshada la jabsaday haatana ay la shaqeynayaan kooxdooda social mediaha si dib loogu soo celiyo akoonadooda.

Farah Khan iyo Twitter-keeda ayaa la jabsaday markii dambena waxay awood u yeelatay inay dib u soo celiso Acount-keeda iyadoo kaashaneysa ninkeeda Shirish Kunder. “Account-ka Twitter-ka ayaa laga jabsaday . Fadlan ha gujin ama ha jawaabin haddii aad wax farriin ah ka hesho iyada oo laga yaabo in loo isticmaalo in lagu jabsado koontadaada sidoo kale… ”ayay ku qortay Instagram. “Tani waa run! Instagram-kayga sidoo kale waa la jabsaday. Fadlan feejignow.

Waxaan ku guuleystey inaan dib u soo celiyo Instagram-ka mahadnaqa injineerka Computer-ka shirishkunder. Waxaan rajeynayaa in Twitter-ka sidoo kale dib loo soo celiyo, ”ayay ku qortay qoraalka.

Vikrant Massey ayaa isna kusooqoray instagram-ka si uu ugu sheego taageerayaashiisa in labadaba dhinacba Facebook iyo Instagram ay lawareegeen tuugadi jabsatay. “Koontadayda Facebook iyo Instagram waa la jabsaday. Fadlan iska indha tir wixii faallooyin ah ee kuusoo diraan. Waan ka shaqeyneynaa, “inaa soicelino “ayuu uqoray taageerayaashiisa.

Farah Khan iyo Vikrant Massey akoonadooda baraha bulshada ayaa halmar la jabsaday si lamid ah Muddooyinkii ugu dambeeyay, Urmila Matondkar iyo Sussanne Khan ayaa sidoo kale wajahay arrimahaan ookale .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here