Ma ahan kaliya Filimsameyso sido kale waa macalimad looga haray qoob ka cayaarka inee jilayaasha barto tan iyo 90-maadkii dance-ga ama qoob ka cayaarka heesaha Bollywoodka aad ku daawan jirtay badankooda Farah Khan ayaa sameeysay ama bartay jilayaashas qaabke u ciyaari lahaayen.

Xarakaadla ciyaarta ayee bartaa Filimadii ugu caansanaayen Bollywoodka 25-kii sano u dambeysay iyadaa Dance-ga u sameeysay xidigtaan ayaa hader dooneyaa Hollywood Superstar Tom Cruise inee ka ciyaarsiiso oo Dance wacan ay barto.

Xili ay ka qeyb galeysay bandhig faneedka sanadlaha ee loogu dabaal dago aflaamta hindiga laguna qabtay Goa ayee arinkaan shaaca ka qaaday iyo riyadeeda inee tahay Tom Cruise inee macalimad ciyaarta u noqoto.

Farah Khan: I definitely want to make Tom Cruise dance

“Waa qeyb kamid ah waxyaabaha aan ku riyoodo in Tom Cruise aan la ciyaar siiyo oo aan macalimadiisa ciyaarta noqdo halka isagana uu sifiican ugu ciyaaro qoob ka cayaar ahaan ciyaaraha hindiga ah waana ku rajo weynahay midaas in goordhow ii suurto gasho.”

Farah ayaa sidaa tiri dhanka kale waxay sheegtay inee dooneysay seddexda Khans oo hal hees kasoo wada muuqanayaan balse ay ku guul dareesatay waana heesha Deewaangi Dewwaangi ee kujirta Filimka Om Shanti Om waxayna rabtay SRK, Salman iyo Aamir inee kasoo wada muuqdaan.

“Seddexda Khans ayaan doonaayey inaan heeskaas isugu keeno balse Aamir toban maalmood ayaa daba socday waxuu ku mashquulsanaa howsha Filimkiisa Taaree Zameen Par inuu Edit gareeyo markii dambe waan iska dhaafay Aamir laakiin waan jeclaa inuu kasoo muuqdo heeskaas jilayaasha badan aan isugu keenay” ayee hadalkeeda kusoo gaba gabeysay Farah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here