Home » Nolosha Jilaayaasha » Fariidka Bollywoodka Varun Dhawan Goormuu Gaaray In Sidaan Loo Jeclaado Sheeko Dhacday!

Fariidka Bollywoodka Varun Dhawan Goormuu Gaaray In Sidaan Loo Jeclaado Sheeko Dhacday!

Waa hubaal in Varun Dhawan siweyn loo jecel yahay xiligaan madaama uu waqti dahabi ah dhexda kaga jiro sidoo kalena mudada 5-sano ah ee uu fanka Hindiya ka tirsan yahay hal filim kama guul dareesanin.

Sidaa darteed waxaa dhacday arin xiiso badan madaama gabbar yar oo caruur ah gurigeeda kaga soo carartay sidii ay Varun Dhawan u arki laheyd markii dambena gabadhaan yar ay gurigeeda ka luntay.

Gabadhaan yar waxaa la sheegay in da’deeda u dhaxeyso 13-sano ilaa 19-sano inay kasoo safartay magaalada Raipur soona gaartay Mumbai ayadoo qofna la soconin hadaf keedana wuxuu ahaa inay la kulanto Varun Dhawan.

Booliska magaalada Mumbai ayaa gabadhaan qabteen xili ay boosteejada tareenka Kanjurmarg ku sugneyd waxayna weydiiyeen in wax waalid ah la socdaan.

Gabadhii waxay booliska u sheegtay inay safar sheer usoo gashay sidii Varun Dhawan hal mar u arki laheyd hadana aysan awoodin inay dib ugu laabato reerkeedii.

Booliska ayaa la xariireen Varun Dhawan si uu gabadhaan ula kulmo talo maskixiyan ahna siiyo Varun Dhawan ayaa booliska ka aqbalay codsigoodii wuuna la kulmay gabadhii yareed.

Varun Dhawan ayaa mudo hal saac ah la qaatay gabadha yar ee lagu magacaabo Aditi wuxuuna ka waaniyay qaladka ay sameesay inaysan markale ku kicin waalidkeedana siweyn kaga fikirayaan.

Aditi aad ayay ugu faraxday inay la kulantay atooraha ay taageerto kadibna waalidkeeda ayaa lagu xariiriyay waxayna waalidkeeda u mahad celiyeen Varun Dhawan sida uu gabadhooda ula kulmay uguna dhaadhiciyay inay reerkeeda dib ugu laabato.

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *