Home » Bollywood News » FASAX MISE GUUR: Halkee ayey aadeen Virat Kohli iyo Anushka Sharma, xantuse maxay sheegaysaa?

FASAX MISE GUUR: Halkee ayey aadeen Virat Kohli iyo Anushka Sharma, xantuse maxay sheegaysaa?

Hadalheynta xiriirka jaceyl ee ka dhexeeya Virat Kohli oo ah ciyaaryahan ciyaara Cricket iyo atariishada Bollywood Anushka Sharma ayaa muddo dheer socotay.

Xaqiiqaduse waxay tahay in Virat Kohli iyo Anushka Sharma aysan la gamban dareenkooda jaceyl, iyagoo marwalba gacmaha isheysta ayeyna saxaafaddu aragtaa.

Virat iyo Anushka xitaa waxaa jira magac gaaban oo ay saxaafaddu u bixisay baraha bulshadana caan ka noqday waana Viruska. Hadda wararka xanta ah waxay sheegayaan in laga yaabo inuu  Virat ugu dambeyn guursado gabadha uu jecel yahay Anushka Sharma.

Virat Kohli iyo Anushka Sharma ayaa waxay si wadajir ah ugu baxeen dalxiis, taasi waxay keentay inay soo baxaan warar xan ah oo sheegaya in laga yaabo inay labadoodu si qarsooni ah isugu guursad1an xaflad gaar ah oo bishaan dhici doonta.

Si kastaba ha ahaatee, ilo ku dhow atariishada Anushka Sharma oo ay xiriir la sameeyeen warbaahintu ayaa diiday inay xaqiijiyaan guurkaan: “Keliya fasax ayey u baxeen, welina isma guursan”.