Fashilka Imaaraatka iyo shabakadii sirdoon ee banaanka la keenay. Waa la yaabay wallee

0
503

The New York Times ayaa shaaca ka qaaday shabakad basaasnimo dhanka internetka ah oo ay xukuumada Abu Dhabi bilowday ayadoona adeegsaneysa falanqeeyayaashii hore ee Hay’adda Amniga Qaranka Mareykanka. Wargeysku wuxuu sheegay in shabakadan ay shaqadooda bilawday sanadkii 2014, qiyaastii 3 sano kahor go’doominta lagu soo rogay Qatar

Joornaalka Mareykanka ayaa soo xigtay xubin hore uga tirsanaan jiray shabakada, kaasoo lagu magacaabo David Evenden, asigoo leh, “Waxaa nalagu marin habaabiyay dalabyo lacageed oo laba jibaar ah iyadoo aan hoos imaaneyno inaan u shaqeyno dowladda xulafada la ah Washington.”

Wuxuu sheegay in Abu Dhabi ay waday howlo basaasnimo dhanka internetka ah oo ka dhan ah Qatar, si loo cadeeyo eedeymaha maalgelinta argagaxisada.

Evenden – xubin hore uga tirsanaan jirtay Hay’ada Amniga Qaranka Mareykanka – ayaa intaas ku daray “Waan ka laabanay howsha kadib markii howsha jabsiga Internetka gaartay ogaanshaha dhambaalo ay isku direen Michelle Obama iyo Sheekha Moza.”

Sida uu qoray wargaysku hawlgalka basaasida elektarooniga ah ee Abu Dhabi fulisay ayaa lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan qoyska xukuma Qatar.

Waxay sheegtay in howlgalka sidoo kale lagu bartilmaameedsaday saraakiil ka tirsan FIFA, iyo kooxaha Imaaraatka ka dhaleeceeya dhanka Twitter.

Qof hore uga tirsanaan jiray shabakada ayaa asigana sheegay in loo xilsaaray inay ka shaqeeyaan sidii loo cadeyn lahaa eedeymaha sheegaya in Qatar ay maalgaliso Ikhwaanul Muslimiin.

David Evenden wuxuu bilaabay inuu daba galo unugyada argagixisada ee Gacanka carbeed sanadkii 2014, xiligaas oo ISIS ay go’doomisay Mosul iyo Tikrit, wuxuuna Evenden dabagal ku sameeyay xubnaha ISIS gaar ahaan xiliga ay damiyaan taleefanada iyo xogtooda barnaamijyada farriimaha.

Weriyaha Al-Jazeera ee Washington Bisan Abu Kwik ayaa sheegay in warbixinta New York Times ay diiradda saartay fikirka daciifnimada ee amniga internetka Mareykanka, wuxuuna siiyay tusaalooyin dhowr ah, oo ay ku jiraan wixii ay sameeyeen Imaaraadka, oo ku guuleystay soo jiidashada tiro ka mid ah falanqeeyayaashii hore ee. Wakaaladda Amniga Qaranka Mareykanka, oo la shaqeysay shirkado qandaraasyo siiya Imaaraadka.

Weriyuhu wuxuu caddeeyay in arrinta markii hore lagu sawiray inay qayb ka tahay dagaalka lagula jiro argagixisada, ka hor intaan loo rogin beegsiga kuwa ay u aragto Imaaraadku iney kasoo horjeedaaan.

Sidoo kale 20 qof oo falanqeeyeyaal iyo qandaraaslayaal ah kuwaasoo CIA-da ka tirsan ayuu Evenden wuxuu la yaabay dhowr bilood waxa ay ka sameynayeen magaalada Abu Dhabi, balse markii dambe uu ogaaday in qandaraasle Washington jooga uu ku soo jiiday Imaaraadka Carabta isagoo u soo bandhigaya inuu u laban laabo mushaharkooda, iyo sidoo kale in laga dhiibo dhamaan canshuuraha laga doonayo.

Sida laga soo xigtay New York Times, dhammaan sababaha caqliga leh ayaa dhammaaday markii emayllada Michelle Obama iyo Sheikha Moza ay bilaabeen inay xogtii la faagayay kasoo muuqdaan ka hor booqashada Michelle ee Qatar, oo ay weheliyaan e-mailada u dhexeeya shaqaalaha.

Intaas ka dib, Evenden wuxuu go’aansaday inuu ka baxo shabakadaas, wuxuuna ku laabtay Mareykanka asigoona haatan uga digaya asxaabtiisii ​​hore inaysan u shaqo tagin shirkado la mid ah kuwa Imaaraatka sidoo kale wuxuu FBI-da ku wargaliyay wixii dhacay, iyo wixii ay sameeyeenba, si looga fogaado wax saameyn ah oo arinkaan ka dhalata.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here