Viruska dilaaga ee Corona ayaa sameen weyn ku yeeshay shirkada ugu weyn dhanka filimada ee Hollywood. Saamaynta ugu weyn ayaa laga dareemay Shiinaha, halkaas oo fayraska dilaaga ah uu marka hore ka muuqday.

Dhamaan tiyaatarada filimada ayaa xiran tan iyo 24 ka bishii Janaayo ee sanadkaan,Waxaa ka mid ah filimada dib loo dhigay uu saameeyay Fiyruskaan, Doolittle, Sonic the Hedgehog, iyo Oscar 1917.

Ma’ahan marki ugu horeesay baqdin laga qabo cudur loo xiro shirkada Hollywoodka Sannadkii 2003, ayee ahayd markii uu faafay Fayruskii dilaaga ahaa ee SARS, shirkada ayaa xiligaas ku dhawaaqday in la joojiyay shaqadii socotay Shiinaha ayaa hadda leh in ka badan 70,000 tiyaatar oo filimada la saaro, qiyaastii 20 boqolkiiba tikidhada iibka adduunka oo dhan halkaas ayuu ka bixi jiray waana Carqalad weeyn oo Hollywoodka soo wajahday.

Guddiga xisaabaadka shineemada ayaa soo saaray in ee qasaareen lacag dhan 1 bilyan oo doolaar oo ah burburka tigidhada .

W/D Maankiz

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here