Feride Cetin (Zehra) oo taxanaha Hercai ku mataleyso Reyyan hooyadeed waa xaamilo balse ogow waa xaamilo run ah.

0
7613

Feride Cetin waa atariishada taxanaha Hercai ku mataleyso Reyyan hooyadeed taasoo lagu magacaabo Zehra Sadoglu ayadoona doorka hooyada wanaagsan ku mataleyso taxanaha.

Feride Cetin dhawaan ayay aqal gashay waxaana arooskeeda uu dhacay bishii hore ee Sebtember sanadkaan.

Feride ayaa haatan taxanaha ku mataleyso iney uur leedahay oo ay xaamilo tahay Reyyan iyo Gol walaalkood balse arinta jirta ee aan idiin heyno ayaa ah in marnaba sheekada taxanaha qeyb ka aheyn in Feride xaamilo noqoto.

Sababta Feride xaamilo looga dhigay ayaa ah in uu si rasmi ah uur uga soo baxay waxaana laga fursan waayay ama in taxanaha laga saaro oo atariisho kale lagu badalo ama in sheekada wax laga badalo misna uurka si rasmi ah sheekada loogu daro waana arinka haatan dhacday.

Feride haatan waa xaamilo rasmi ah taxanahana iney uur leedahay ayay ku mataleysaa balse lama yaqaano sida ay taxanaha ku jili doonto iyadoo uur leh iyo hadii taxanaha iyo sheekadiisaba la is waafajin doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here