FIFA oo fadeexadii aduunka dhex fadhiso kadib markii macalinka Sudan sheegay in codkiisa la musuqay yuu u codeeyay yaana codkiisa la siiyay?

0
757

Lugarisic Zdravko wuxuu u dhashay wadanka Ukraine waana mcalinka qaranka Sudan wuxuu sheegay in codkiisii FIFA the Best la musuqay isla markaasna uusan meesha uga jeedin laacibkii uu u codeeyay.

Lugarisic Zdravko ayaa yiri; “Aniga waan codeeyay codeynteydiina laacibka aan u arkay inuu munaasab yahay ayaan siiyay balse meesha ugama jeedi taas badalkeeda waxaa codkeyga la siiyay laacib kale”.

Asigoo hadalkiisa sii wato ayuu sheegay inuu u kala codeeyay laacibka koowaad Salah labaadna Mane halka sadaxaadna uu siiyay Mbappe balse uu arkay in codkiisa loo wareejiyay Messi.

Ma ahan macalinkii ugu horeeyay ama markii ugu horeysay oo ay sidaan oo kale dhacdo horay ayay arimo nuucaan oo kale dhaceen.

Warka macalinka qaranka Sudan ilaa iyo haatan wax war ah kama soo saarin FIFA waxaana laacibka aduunka ku guuleystay Messi asigoona ka qaaday daafaca kooxda Liverpool Virgil Van Dijk.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here