Home » Box Office » Filimada Firangi iyo Tera Intezaar Bollywood-ka ayay qasaarada kusii badiyeen

Filimada Firangi iyo Tera Intezaar Bollywood-ka ayay qasaarada kusii badiyeen

Waxay u noqotay xeer Bollywood-ka bil kasto oo inta badan 5-jimco ka kooban in si naadir ah loo helo hal filim oo guuleesto dhamaan bishaas waana arin sanadkaan 2017 siweyn usoo jirtay.

Filimka Tumhari Sulu ayaa noqday mid guuleestay oo Average ah waana filim Vidya Balan hogaamiye ka tahay balse dhamaan aflaanta kale ee November soo baxeen ganacsi ahaan dhulka ayay galeen.

Filimada Firangi iyo Tera Intezaar iyagana qasaaraha ayay Bollywood-ka kusii badiyeen madaama afar maalmood ayagoo saaran ay cadaatay inay yihiin mashaariic guul dareesteen.

Kapil Sharma filimkiisa Firangi 45% hoos u dhac ayuu sameeyay Isniintiisa kowaad ganacsi ahaan waana halka xaqiijisay inuu guul dareestay waayo filimkaan 10% hoos u dhac xitaa kama ceyman karin madaama sedexdiisa maalmood ee hore ganacsi aad u liito sameeyay.

Firangi iyo mudo sedex todobaad ah ganacsiga uu sameeyay fadlan hoos kaga bogo:

Jimco – 1.80 Crore

Sabti – 2 Crore

Axad – 2.50 Crore

Isniin – 1 Crore

Wadarta Guud – 7.30 Crore (Trade Figure)

Firangi sida muuqato todobaadkiisa kowaad 9.75 Crore ayuu keeni doonaa qiyaas ahaan kadibna masii socon doono waana mashruuc guul dareestay.

Sunny Leone iyo Arbaaz Khan filimkooda Tera Intezaar isagana meel uma socdo waa mashruuc kale oo siweyn u guul dareestay ugu badnaan 2 Crore ayuu keeni doonaa todobaadkiisa kowaad sida hada muuqato!

Fadlan hoos kaga bogo Tera Intezaar lacagaha uu keenay mudo 4-maalmood ah sida shabakada Boxoffice India soo daabacday:

Jimco – 40 Lakh

Sabti – 45 Lakh

Axad – 50 Lakh

Isniin – 20 Lakh

Wadarta Guud – 1.55 Crore (Trade Figure)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *