Filimada Hollywood-ka gudaha Hindiya saaran: Solo – A Star Wars Story (Disaster), Deadpool 2 (Average) & Avengers (All Time Blockuster)

Filimada Hollywood-ka ah ee gudaha Hindiya saaran ganacsigiisa Update ah iyo natiijada ay gaareen waxaa si rasmi ah usoo daabacday shabakada Boxoffice India.

Filimka Solo – A Star Wars Story ayaa Disaster ka noqday gudaha Hindiya weliba siweyn ayuu u bur buray madaama uu todobaadkiisa kowaad ka keenay 2.25 Crore (Trade Figure) waa filim dadka iska diideen sidoo kalena gabi ahaanta tiyaatarada laga dajiyay.

Filimka Deadpool 2 ayaa gudaha Hindiya ka noqday mid guuleestay oo Average ah inkastoo 80% hoos u dhac uu sameeyay todobaadkiisa labaad balse todobaadkiisii kowaad uu si u adag u gadmay ayu filimkan ku bad baaday.

Deadpool 2 todobaadkiisa labaad wuxuu keenay 9 Crore haatana wadarta guud mudo labo todobaad ah wuxuu soo xareeyay 51 Crore waxaana muuqato in cimri ahaantiisa uu 55 Crore ku istaagi doono.

Deadpool 2 iyo mudo labo todobaad ah ganacsiga uu gudaha Hindiya ka sameeyay soona daabacday BOI hoos kaga bogo:

Todobaadka kowaad – 41.42 Crore

Todobaadka labaad – 9 Crore

Wadarta Guud – 50.92 Crore (Trade Figure)

Ugu dambeyntii filimka Avengers – Infinity War ayaa gaaray 225 Crore (Trade Figure) ganacsigiisa gudaha Hindiya haatana waa All Time Blockbuster asigoo mudo shan todobaad ah la daawanayo.

Sida muuqato Avengers – Infinity War 50 Lakh ayuu ganacsigiisa ugu dambeeyo sameyn karaa wuxuuna tiyaatarada ka dagi doonaa asigoo gudaha Hindiya ka keenay 226.25 Crore qiyaas ahaan.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Avengers – Infinity War iyo mudo 5-todobaad lacagaha uu keenay gudaha Hindiya sida shabakada BOI soo daabacday:

Todobaadka kowaad – 156.52 Crore

Todobaadka labaad – 46.93 Crore

Todobaadka sedexaad – 15.88 Crore

Todobaadka afaraad – 4.64 Crore

Todobaadka shanaad – 1.75 Crore

Wadarta Guud – 225.72 Crore (Trade Figure)