Rani Mukerji Filimkeeda Mardaani 2 ayaa sii hoose ku furmay subaxii xiliga hindiya maadama maanta tiyaatarada la saaray waxuuna ku furmay 8 ilaa 10% waana wax laga filaayey maadama suuq geyn weyn iyo xayeysiin balaaran aan loo sameeynin dad badan ayaaba ka war heynin in maanta la saaray filim Rani hogaamiye ka tahay.

Qeybtii kowaad ee filimkaan oo isla Rani hogaamiyaha ka ahed ayaa in badan ka wanaagsan bilaawasho ahaan xitaa mashruucan qeybtiisa kowaad wey ka caawin weysay in qeybta labaad si wanaagsan loo soo dhaweeyo ama si wanaagsan ku furmo waxaa fiicned in magac kale loo bixiyo oo dadka qeybtii kowaad ayeeba iska diideen inkastoo ganacsi ahaan qeybtii hore ka wanaagsan yahay qeybta dambe.

Waxaa macquul ah in West Bengal uu sare ukac ka sameeyo filimkaan maadama Rani halkaas awood weyn ku leedahay labadeedii filim u dambeyeen halkaas ganacsi wacan ayee ka sameeyeen waxaan xusid mudan in Mardaani qeybtiisa kowaad uu keenay maalintiisa kowaad 3.50 Crore hoos kaga bogo labdii filim u dambeyeen Rani sameeysay iyo sidee ku bilaawdeen.

Hichki (2018): 3.31 Crore (975 tiyaatar ayaa laga daawaday)

Mardaani 2014: 3.44 Crore (1250 tiyaatar)

Dhanka kale Filimka Hollywoodka ah ee Jumanji-The Next Level ayaa asna ku bilaawday bilaawasho liidato waxuuna ku furmay 20% waana si hoose balse Rani Filimkeeda wuu ka wanaagsan yahay waxaase la filaa caawa fiidkii in dhanga West Bengal ay labadan Filim sare ukac weyn ka sameeyn doonaan dhanka kale Jumanji-Welcom To The Jungal ganacsi wacan ayuu Box-office-ka ka sameeyay 2017 waana qeybtii hore .

Waa macquul in maalintiisa kowaad ganacsi wacan sameeyo balse cimri ahaantiisa ganacsi weyn gudaha India kama sameeyn karo mashruucan Hollywoodka ah sababtana waa in Dabangg 3 la wareegaayo tiyaatarada jimcada soo socota sido kale 1.25 Crore ayaa laga helay lacag ahaan tikitkiisa sida hormariska ah loo sii iibsaday maalintii shalay ahed ee khamiista.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here