filimada lacaga ugu badan tikidkooda hormariska sanadkaan laga helay iyo filimka Housefull halka uu ka galay.

0
1149

Housefull4 ayaa lacago macquul ah ka keenay tikidkiisa hormariska ah asigoona noqday filimka 6aad ee lacagaha ugu badan tikidka hormariska sanadkaan laga helay inkastoo uu Housefull4 hakiyay diyaargarowga feestada Diwali.

Sidaas oo ay tahayna Housefull4 ayaa tikidkiisa hormariska laga helay 9 crore waxaana xusid mudan in filimka maanta iyo bari oo sabti ah uusan si weyn u gadmi doonin xitaa axada oo feesto qaran iyo maalin nasasho isugu jirto si weyn uma gadmi doono sida ay Boxx Office india sheegtay ayadoona sabab uga dhigtay in jimce iyo sabti diyaargarowga Diwali lagu jiro halka Axadana maalinta Diwaliga tahay oo ay dadka ciida ku mashquulsanyihin.

BOI ayaa sidoo kale sheegtay in mushkilada kale ee jirta tahay idhibaatada ka taagan is qabqabsi ka yimid sida tiyaatarada loogu kala qeybinaayo filimada Housefull4, Made in China iyo Saand ki Aankh xitaa filimka WAR ayaa wali tiyaatarada saaran.

Balse waxaa la filaa in filimkaan uu isniinta wixii ka dambeeyo si adag u gadmo isla markaasna fasaxyada gaagaaban ka faaideysto.

Hadaba halkaan hoose kaga bogo filimada sanadkaan la daawaday iyo midkasta lacagaha tikidka horamriska laga helay;

1. War – 31.36 crore.

2. Bharat – 23.47 crore.

3. Mission Mangal – 15.19 crore.

4. Kabir Singh – 10.85 crore

5. Kalank – 9.38 crore.

6. Housefull 4 – 9 crore qiyaas.

7. Saaho (Hindi) – 8.27 crore.

8. Kesari – 7.64crore 

9. Gully Boy – 7.20 crore 

10. Total Dhamaal – 6.37 crore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here