Ganacsiga daafaha caalamka ka sameyeen 2019 Filimada Bollywoodka waa mid dhex-dhexaad ah maadama uusan kujirin xitaa hal Filim oo daafaha caalamka si weyn u gil gila ganacsi balaarana ka sameya.

Filimada Bollywoodka 2019 daafaha caalamka laga daawaday misane Super Hits kanoqdeen suuqyada dunida kaliya waa 5 Filim oo kala ah WAR, Good Newwz, Gully Boy, Uri-The Surgical Strike & Kabir Singh.

Sido kale Filimada daafaha caalamka laga daawaday ee HIT kanoqdeen suuqyada dunida waa 8 Filim oo kala ah Bharat, Mission Mangal, Kalank, Total Dhamaal, Badla, Bala, Dream Girl & Chhichhore sidaa aawged majiro Filim Blockbuster ka noqday suuqyada caalamka 2019.

Ganacsiga daafaha caalamka ee filimada Bollywoodka 2019 ka sameyeen in badan waxaa ka wanaagsan sanadkii 2018 oo ganaci ahaan badnaa maadama 2018 daafaha caalamka ganaci ahaan Filimada Bollywoodka ka keenen lacago dhan $124 Million halka 2019 ay keenen wadar ahaan $82 Million waana ganacsi dhex dhexaad ah.

Sido kale 2018 kaliya 22-Filim ayaa sare udhaafeen ganaci ahaan darajada $2M halka 2019 ay sare udhaafeen lacagtaas 24-Filim fadlan hoos kaga liiska 24-Filim ee daafaha caalamka ka keenen in ka badan $2M:

1-WAR: $13.78M

2-Bharat: $10.71M

3-Good Newwz: $10.4M

4-Gully Boy: $10.25M

5-Dabangg 3: $7.97M

6-Uri: $7.46M

7-Mission Mangal: $7.32M

8-Kalank: $7.17M

9-Kabir Singh: $6.95M

10-Houseful 4: $6.8M

11-Total Dhamaal: $6.53M

12-Super 30: $5.19M

13-Badla: $4.68M

14-Bala: $4.52M

15-Dream Girl: $4.44M

16-Chhichhore: $4M

17-Manikarnika: $3.46M

18-Kesari: $3.31M

19-De De Pyaar De: $2.82M

20-Saaho (Hindi): $2.95M

21-Luka Chhuppi: $2.43M

22-Student of The Year 2: $2.24M

23-Article 15: $2.22M

24-Pati Patni Aur Woh: $2.05M

F.G: Filimada ganacsigooda iyo natiijadooda kaliya waa suuqyada caalamka ee gudaha India ma ahan isku midna ma ahan natiijo ahaan iyo ganaci ahaanba tusaale WAR gudaha India Blockbuster ayuu ka noqday halka daafaha caalamka uu Super Hit ka noqday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here