Filimada Made in China iyo Saand Ki Aankh lacagaha ay keeneen maalintooda koowaad.

0
819

Filimada Made in China iyo Saandk Ki Aankh ayaa ganacsi liito sameeyay maalinyooda koowaad waxaana hawada ka qabsaday filimka Housefull4.

Filimadaan sidoo kale waxaa saameeyay Pre-Diwali maadaama dadka intooda badan ku mashquulsanyihiin diyaargarowga Diwaliga waxaana aad u xadidan dadka tiyaatarka soo aadaayo.

Rajkummar Rao filimkiisa Made in China ayaa keenay maalintiisa koowaad 1 crore balse waxaaba kasii liito filimka Taapsee Pannu kaasoo keenay kaliya 50 Lakh maalintiisa koowaad waana ganacsi liito.

Dhibka filimada ma ahan iyo sheekadoodaba balse khaladka waxaa leh kooxda Filimadaan iska leh kuwaasoo filimadooda kusoo beegay xili dadweynaha fasaxa ciida ku mashquulsanyihiin isla markaasna tiyaatarka la saaray filim weyn misna shacbiyad balaaran leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here