Filimka Pagalpanti ayaa keenay maalintiisa labaad ee shalay ahed lacago dhan 6.25 Crore waxuuna sare ukacay 25% laakiin waxaa loo baahna inuusan ka gaabin Filimka Kartoonka ah ee tiyaatarada lala saaray kaaso la lacag badan Pagalpanti.

Sare ukaca uu sabtidii sameeyay Pagalpanti wax saameyn ah malahan maadama Filimkaan jimcadii uu si hoose ku bilawday waana meesha uu ka naafoway wadarta guud mudo labo maalmood ah waxuu ku keenay 11.25 Crore (Trade Figure).

Waxuu lamid yahay John Abraham Filimkiisa hore ee Romeo Akbar Walter oo isla ganacsigan labo maalmood kusameeyay balse Flop ayuu noqday Filimkaas halka midkaan rajo laga qabo inuu guulesto.

Dhana kale mashruucan Kaartoonka ah ee caruurta yaryar loogu talo galay Frozen ayaa ganacsi adag sameeyay shalay waxuuna keenay 6.75 Crore (Trade Figure) taasi oo kadhigan mudo labo maalmood inuu 10 Crore kusoo xareeyay.

Mashruucan siwacan ayuu kusocdaa balse suaal ayaa kujirto fasaxa todobaadka ee sabti iyo axad kaliya miyuu sare ukaciisa ku ekaan doonaa mise maalmahana shaqadana wuu is celin doonaa maadama caruurta yaryar kaliya loogu talo galay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here