Shabakada Boxoffice India (BOI) ayaa qiyaasta xili hore soo daabacday shalay oo Isniin ahayd ganacsiga ay sameeyeen sedexda filim masraxa isku heestaan Street Dancer 3D, Panga iyo Tanhaji balse aflaantaan soo dhaweyn kala duwan ayay la kulmeyn madaama shalay maalin shaqo ahayd.

Varun Dhawan iyo Shraddha Kapoor filimkooda Street Dancer 3D sedexdiisa maalmood ugu horeesay wuxuu keenay ganacsi dhex dhexaad ah 39 Crore waxaana qasab ku ahayd Isniintiisa kowaad si adag inuu isku celiyo balse 55% hoos u dhac ayuu sameeyay wuxuuna keenay 4.25 Crore qiyaas ahaan shalay oo Isniin ahayd waxayna ka dhigan tahay mashruucan muso 4-maalmood inuu keenay 43 Crore wax la socdaan qiyaas ahaan waana ganacsi liito sidoo kalena todobaadkiisa kowaad wuxuu keeni doonaa 53 Crore waana ganacsi kale oo tacbaannimo ka muuqato. Balse filimkan fursad kale ayuu heestaa todobaadkiisa labaad madaama filim weyn soo bixin doonin sidaa darteed haddii uu dadaalo AVERAGE wuu noqon karaa!

Dhinaca kale filimka Panga ee Kangana Ranaut hogaamiye ka tahay isagana wuxuu bur buray madaama Isniintiisa kowaad hoos u dhac 40% uu sameeyay mana ahan wax uu xamili karay madaama ganacsigiisa sedexda maalmood ugu horeesay aad u liitay asigoo keenay 11.75 Crore. Sidaa darteed filimkan wuxuu Isniintiisa kowaad keenay qiyaas ahaan 1.50 Crore waxayna ka dhigan tahay mudo afar maalmood inuu soo xareeyay 13 Crore qiyaas ahaan, halka todobaadkiisa kowaad uu keeni doono 16 Crore ilaa 16.50 Crore ganacsi u dhaxeeyo waana filim fashilmay oo FLOP noqonaayo.

Ugu dambeyntii shalay waxaa masraxa si adag kaga gadmay filimka Tanhaji ee Superstar Ajay Devgn hogaamiye ka yahay madaama asigoo Isniintiisa sedexaad u ahayd uu keenay 4 Crore waxaana muuqato in todobaadkiisa sedexaad uu keeni doono 40 Crore mana la kulmaayo filimkan loolan adag oo muuqdo taasi oo ka dhigan Devgn filimkiisa wax waali ah inuu sameenayo.

Waxay ka dhigan tahay haatan mudo 18-maalmood ah qiyaasta xili hore filimka Tanhaji inuu soo xareeyay 223 Crore kani waa Blockbuster taariikhi ah oo cimri ahaantiisa 260 Crore ilaa 270 Crore gaari doono wuxuuna gobolka Maharashtra ee xarun u ah Mumbai ka noqday All Time Blockbuster.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here