Inta badan aflaanta dhawaanahan marka ay masraxa ka dagaan waxaa lagu soo fasaxa Digital-ka si Online ahaan Internet-ka looga daawado ayagoo HD ah waxaana iibsadaan shirkado kala duwan halka waagii hore ahaan jirtay marka filimka uu masraxa ka dago in TV-yada lagu soo fasaxo oo Satellite-ka laga daawado.

Haddaba waxaan idiin heynaa jadwalka aflaanta Telugu ama Tollywood ee dhawaan Digital-ka laga daawan doono kuwaas oo anaga naga caawin doonto inaan helno ayagoo Af Soomaali lagu turjumay marka Internet-ka lasoo galiyo ayagoo HD ah.

13 Maarso 2020 ama maanta oo Jimco ah waxaa Digital-ka ama Internet-ka lagu soo fasaxaa filimka Jaanu oo ay wada jileen Samantha iyo Sharwananda kaasi oo 7 Febraayo 2020 masraxa la saaray sidoo kalena noqday filim guul dareestay, waxaana laga daawan doonaa barta Amazon Prime.

15 Maarso 2020 Axad nagu soo fool leh waxaa Digitalka lagu soo fasaxa filimka Disco Raja ee Ravi Teja hogaamiye ka ahaa lana daawaday 24 Janaayo 2020 masraxa la saaray isagana guul dareestay waxaana si Online ah looga daawan doonaa barta Sun NXT.

22 Maarso 2020 waxaa Digital-ka lagu soo fasixi doonaa filimka Aswathama oo hogaamiye ka ahaa Naga Shaurya waxaana la daawada 31 Janaayo 2020 masraxa la saaaray asigoo guul dareestay waxaana si Online ah looga daawan doonaa barta Sun NXT.

4 April 2020 waxaa Digital-ka lagu soo fasixi doonaa filimka World Famous Lover oo hogaamiye ka yahay Vijay Deverokanda waxaana la daawaday 14 Feb 2020 oo masraxa la saaray asigoo guul dareestay waxaana si Onlie ah looga daawan doonaa barta Sun NXT.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here