Filimka Udja Chaman ayaa todobaadkiisa koowaad keenay 10.25 crore waana ganacsi aad u liito mana socon karo filimkaan isbuuciisa labaad.
Hadaba halkaan kaga bogo mudo hal todobaad lacagaha uu keenay;
Jumce;1.75 crore.
Sabti; 2.50 crore.
Axad; 3 crore.
Isniin; 90 lakh.
Talaado; 85 lakh.
Arbaco; 70 lakh
Khamiis; 60 lakh.
Wadarta guud; 10.25 crore.
Dhanka kale filimka Saand ki Aankh ayaa todobaadkiisa labaad soo xareeyay 8.50 crore wuxuuna sameeyay 30% hoos u dhac markii lala barbardhigo isbuuciisa koowaad waana hoos u dhac macquul ah balse caqabada ayaa ah in filimkaan isbuuciisa koowaad uu keenay ganacsi liito waxaana u sabab ah in daawadayaasha ay ka doorteen filimka Housefull 4 balse hadii kaligiis tiyaatarada la saari lahaa uu siweyn u gadmi lahaa.
Hadaba halkaan hoose kaga bogo filimkaan iyo mudo labo todobaad lacagaha uu keenay;
Isbuuciisa koowaad; 11.90 crore.
Isbuuciisa labaad; 8.55 crore.
Wadarta guud; 20.45 crore.