Inaba caadi ma ahan ganacsiga filimka weyn ee Telagu kaasoo uu hogaamiyaha kayahay Stylish Alli Arjun ee Ala Vaikunthapurramuloo asigoona mudo 7 maalmood kusoo xareeyay 133.10 crore gudaha India waana ganacsi weyn.

Filimkaan ayaa maalintiisii koowaad keenay 37 crore maadaama maalin axad ah tiyaatarka la saaray lacagtaan waa gudaha india canshuurta kadib.

Maalintii xigtay ee isniinta wuxuu keenay 14.50 crore halkas talaadadii uu sare u kac sameeyay wuxuuna soo xareeyay 15.80 crore.

Arbacadii ayuu filimkaan fasaxii jiray ka faa’ideystay wuxuuna keenay 16.90 crore halka khamiistiina uusan wax hoos u dhac ha sameynin asigoona keenay 16.50 crore taasoo ka dhigan in wadarta guud todobaadkiisa koowaad mudo 5 maalmood kaliya filimkaan kusoo xareeyo 100.70 crore waana lacag aad u badan waliba filimkaan todobaadkiisa ma dhameysan maadaama axad tiyaatarka la saaray.

Ala Vaikunthapurramuloo Jimcihii daraad wuxuu keenay 15.40 crore mana uusan sameyn wax hoos u dhac weyn balse taas badalkeeda shalay oo sabti aheyd ayuu filimkaam sare u kac weyn sameeyay wuxuuna soo xareeyay 17 crore.

Wadarta guud haatan filimkaan telagu-ga ah wuxuu gudaha India kasoo xareeyay 133.10 crore waana kaliya mudo 7 maalmood waxaadna halkaas ka ogaan kartaa awooda jilaaga weyn ee Allu Arjun uu koonfur ku leeyahay.

Haatan maanta filimkaan waa hubal markale ayuu sare ukac sameyn doonaa maadaama ay maanta tahay axad maalin nasasho ah waxaana muuqato in filimkaan ganacsigiisa gudaha India kaliya uu 200 crore ka talaabi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here