Filimka Bala ee uu hogaamiyaha kayahay Ayushmann Khurrana iyo sida uu subaxaan kaga furmay tiyaatarada India.

0
794

Filimka Bala ee uu hogaamiyaha kayahay jilaaga baryahaan fariimaha cajiibka la imaanayo ee Ayushmann Khurrana ayaa si hoose subaxaan kaga furmay tiyaatarada India.

Bala ayaa saakay oo jimce ah India u ah maalin shaqo ku furmay 8% ilaa 10% waana qaab wanaagsan asigoona ku roon tiyaatarada Multpelex-ka ee dadka dabaqada sare loogu talo galay wuxuuna kaga furmay 20%.

Waa qasab in filimkaan maanta duhurkii iyo caawo fiidkii sare u kac xoogan sameeyo si maalintiisa koowaad uu u keeno ugu yaraan 10 crore waayo filimkaan waxaa la saaray tiyaataro badan waxaana laga filayaa ganacsi badan.

Bala waa filim ay wax walba ku xirantahay sheekadiisa iyo qaabka loo dhigo oo hadii filimkaan fariintiisa noqoto mid lala dhaco hubaal ka dhigeyso in ganacsi wanaagsan sameyn doono tiyaataradana baaqi kusii ahaan doono.

Qaabka uu haatan ku socdo hadii laga cabir qaato waxay noqoneysaa in filimkaan Bala maalintiisa koowaad uu keeni doono qiyaastii 8 crore ilaa 9 crore balse hadii maanta galinka dambe sare u kac fiican sameeyo waa hubaal inuu 10 crore ka talaabi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here