Filimka Bala iyo axadiisii koowaad lacagaha uu keenay.

0
791

Filimka Bala ee uu hogaamiyaha ka yahay jilaaga Ayushmann Khurrana ayaa Box Officeka India heysto kadib markii filimkaan tiyaatarada la saaray jimcadii daraad.

Filimkaan oo sheeko ahaan aad loo amaanay ayaa maalintii shalay keenay 17.50 crore sida ay soo daabacday shabakada BOI asigoona ka gaabiyay inuu gaaro rikoorka filimka Dream Girl ee uu isla Ayushmann hogaamiyaha kayahay.

Filimka Dream Girl ayaa mudo sadax maalmood kusoo xareeyay 43.20 halka filimka Bala uu keenay 42 crore inkastoo farqi yar u dhaxeeyo hadana waxaa lagu rajo weynaa in Bala ka talaabi doono filimka Dream Girl.

Inkastoo Bala gaarin rikoorka Dream Girl hadana ganasiga uu sameeyay waa mid heer sare haatan waxa la sugayo waa sida uu filimkaan isku celin doono isniintiisa koowaad waxaana muhiim ah in uusan Bala hoos u dhac weyn sameynin.

Halkaan kaga bogo Bala iyo mudo sadax maalmood lacagaha uu keenay;

Jimce; 9.50 crore.

Sabtid; 15 crore.

Axad 17.50 crore.

Wadarta guud; 42 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here