Filimka Bala ayaa maanta qaab hoose ku furmay asigoona hoos u dhac weyn sameeyay balse waa arin dabiici ah maadaama ay maanta tahay maalin shaqo.
Filimka Bala ayaa subaxaan tiyaatarada India kaga furmay 8% ilaa 11% waxaana qaabka uu ku socda haatan laga cabir qaadanayaa in filimkaan uu maanta oo isniin ah keeni doono ilaa 7 crore.
Bala waa inuu maanta sare u kac fiican sameeyaa xiliga duhurkii iyo caawo fiidkii hadii uu doonayo inuu gaaro rikoorka Dream Girl ee maalinta 4aad kaasoo keenay 7.50 crore.