filimka Bala iyo sabtidiisii labaad ganacsiga uu keenay filimka Marjaavaan ayuuba la tartamayaa oo isbuuciisii koowaad saaran.

0
787

Filimka Bala ayaa shalay oo sabti aheyd sare u kac xoogan sameeyay wuxuuna keenay 6.50 crore nadiif ah waana in kayar kaliya 50 lakh lacagaha uu keenay filimka Marjaavaan maalintii shalay aheyd.

Arinta jirto ayaa waxay tahay in Marjaavaan uu isbuuciisa koowaad tiyaatarda saaranyahay balse Bala waa isbuuciisii labaad waana arin kutusineyso sida filimka Bala uu wali ugu awood badanyahay tiyaarada gaar ahaan tiyaatarada dakhliga badan laga helo ee Multiplex asigoona halkaas uu filimka Marjaavaan aad uga liito.

Filimka Bala ayaa haatan mudo 9 maalmood kusoo xareeyay 79,50 crore wuxuuna darajada 100 crore ka talaabi doonaa bilowga isbuuca dambe balse marnaba ma gaari doono darajada uu gaaray filimka Dream Girl oo uu isla Ayushman Khurrana hogaamiye ka ahaa.

Hadaba halkaan kaga bogo filimka Bala iyo mudo 9 maalmood lacagaha uu keenay;

Isbuuciisa koowaad; 69.25 crore.

Jimce labaad; 3,75 crore.

Sabti labaad; 6.50 crore.

Wadarta guud; 79.50 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here