Filimka Bala oo isbuuciisa koowaad ganacsi heer sare ah sameeyay isla markaasna Hit dhameystiran noqday.

0
665

Filimka Bala ee uu hogaamiyaha ka yahay Ayushmann Khurrana ayaa ganacsi wanaagsan sameeyay isbuuciisa koowaad asigoona soo xareeyay 69.25 crore sida ay shabakada BOI qortay.

Bala ayaa siweyn ugu wanaagsan tiyaatarada Multiplexka ee reer magaalka ah asigoona ganacsigiisa ugu badan halkaas ka sameynaayo balse tiyaatarada Single Screenska aad ayuu uga liitaa waana arin saameyn ku yeelatay filimkaan ganacsigiisa.

Bala ayaa 1 Crore kahoos maray lacagaha uu isbuuciisa koowaad soo xareeyay filimkii ugu dambeeyay ee uu Ayushmann hogaaminayay ee Dream Girl hadii uu filimkaan tiyaatarada Single Screenska ku xooganaan lahaa 70 crore ayuu ka talaabi lahaa wuxuuna noqon lahaa filimka lacagaha ugu badan mudo hal isbuuc usoo xareeyay darajadaas oo uu heysto filimka Dream Girl.

Filimka Bala haatan waa Hit dhameystiran waxaana laga dhar sugayaa isbuuciisa labaad ganacsiga uu la yimaado si loo ogaado filimkaan hadii uu Super Hit noqonaayo sida Dream Girl ama uu darajada Hitka uun ku ekaan doono.

Hadaba halkaan kaga bogo Bala iyo ganacsigiisii mudo todobaad ah;

Jimce; 9.50 crore.

Sabti; 15 crore.

Axad; 17.75 crore.

Isniin;8 crore.

Talaado; 9.25 crore.

Arbaco; 4.70 crore.

Khamiis; 5 crore.

Wadarta guud; 69.25 crore (Qiyaas) mudo 7 maalmood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here