Filimka Bala oo ku gudo jiro isbuuciisa sadaxaad ayaa qarka u saaran inuu darajada 100 crore gaaro asigoona maalintii shalay aheyd keenay 1.25 crore taasoo ganacsigiisa guud ee filimkaan ka dhigeyso 96.50 crore.

Bala ayaa darajada 100 crore gaari doono wixii ka dambeeyo maalinta axada  kadibna waxaa la ogaan doona 100 crore lacagaha uu ku darsan doono.

Halkaan hoose kaga bogo filimka Bala iyo mudo 15 maalmood lacagaha uu keenay;

Isbuciisa koowaad; 69.43 crore.

Isbuuciisa labaad; 25.90 crore.

Jimcadiisa sadaxaad; 1.25 crore.

Wadarta guud; 96.58 crore.

Dhanka kale filimka Housefull oo todobaadkiisa 5aad ku gudo jiro ayaa maalintii shalay aheyd soo xareeyay 10 ilaa 12 lakh wuxuuna filimkaan sameeyay 75% hoos u dhac markii lala barbardhigo jimcadiisa 4aad.

Filimkaan oo tiyaataradiisa waxbadan markale la dhimay ayaa haatan ganacsigiisa guud uu marayaa 204.17 crore waxaana laga dharsugayaa lacagaha uu todobaadkiisa 5aad ku darsan doono misna keeni doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here