Filimka Bala waa Hit dhameystiran iyo arbacadiisa koowaad lacagaha uu keenay.

0
727

Filimka Bala ayaa maalintii shalay aheyd sameeyay 45% hoos u dhac wuxuuna keenay 4.75 crore asigoona ka gaabiyay inuu gaaro lacagaha uu filimka Dream Girl soo xareeyay todobaadkiisa koowaad.

Filimka Bala ayaa haatan mudo 6 maalmood kusoo xareeyay 64.50 crore sidaas oo ay tahayna filimkaan waa Hit dhameystiran asigoona isbuuciisa koowaad keeni doono 69 crore qiyaas ahaan.

Bala haatan waa Hit dhameystiran waxaana laga dhursugayaa hadii filimkaan uu Super Hit u dalaci doono asigoona ay wax walba ku xiranyihiin qaabka kuu ku gadmi doono isbuuciisa 2aad inkastoo tiyaatarada intooda badan toogtaan loo baneyn doono filimka Marjaavan.

Halkaan hoose kaga bogo filimka Bala iyo mudo 6 maalmood lacagaha uu keenay;

Jimce; 9.50 crore.

Sabtid; 15 crore.

Axad; 17.75 crore.

Isniin; 8 crore.

Talaado; 9.25 crore.

Arbaco; 4.50 crore.

Wadarta guud; 64.50 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here