Shalay oo Jimco ahayd dhul weynaha Telugu waxaa la saaray filimka fariinta jaceyl iyo arimaha qoyska xambaarsan Bheeshma oo ay hogaamiyaal ka yihiin Nithiin iyo Rashmika Mandanna wuxuuna la imaaday bilaabasho heer sare ah.

Filimka Bheeshma waxaa u suura gashay maalintiisa kowaad Telugu inuu ka keeno 9.40 Crore waxayna saami ahaan qolyaha cajaladaha qeybiyaan ka heleen 6.31 Crore waana bilaabasho adag sidoo kalena wuxuu noqday filimkan Nithiin midkiisa ugu bilaabashada wanaagsan ebid.

Waxaa xusid mudan in qolyaha cajaladaha qeybiyaan filimka Bheeshma ku iibsadeen dhul weynaha Telugu oo kaliya 19.65 Crore sidoo kalena wadarta guud dibad & dal waxaa lagu iibsaday qeybinta cajaladaha filimkan 26 Crore waxaana lagu kalsoon yahay si sahlan inuu kusoo celin karo madaama uu bilaabasho adag Telugu ka sameeyay filimkan xiisaha badan.

Nithiin iyo Rashmika filimkooda hadal heyntiisa waa mid aad u sareyso sidoo kalena kuwa aflaanta ka faaloodaan iyo shalay dadka tiyaatarka u daawasho tageen labaduba wey amaaneyn waxayna midaas ka caawin doontaa Sabti iyo Axad ganacsi adag inuu sameeyo kadibna laga bilaabo Isniin ilaa Khamiis maal maha shaqada filimkan is celiyo marba haddii sheekadiisa siweyn loo amaanayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here