Vicky Kaushal Filimkiisa Bhoot  cabsida ah ayaa hoos udhac 12% sameeyay talaadadiisa kowaad waana wax laga filaayey maadama uu yahay mashruc Horror ah daawadayaal badana soo dhaweyneyin.

Wadarta guud hader waxuu marayaa 19.75 Crore hallka todobaadiisa kowaad uu keeni doono 23 Crore qiyaas ahan mashruucan waxuu ku wacan yahay Mumbai, Pune iyo Bangalore balse waqooyiga ayuu ku liitaa sido kale Rajasthan CP Berar, Gujarat iyo meelo kale waa laga diiday gabi ahaanba.

Cimri ahaantiisa waxuu ku istaagi doonaa 30 Crore marka laga qiyaas qaato hanaanka uu hader ku socdo iyo in goordhow tiyaatarada lasoo saari doono filimo waaweyn sidaa  aawged ganacsigiisa ilaa talaadada waa 19.75 Crore .

Maqaalka xiga ayaana kaga hadli doonaa ganacsigiisa arbacdii shalay ahed iyo hadii markale uu hoos udhacay maadama shalay aan ka gaari weynay maanta ayan so wada daabaceyna dhamaan ganacsiyadii aflaamta labo maalmood..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here