Filimka Chhapaak oo ay hogaamiye ka tahay Deepika Padukone waxay u muuqataa in daawadayaasha iska diideen filimkaan fariintiisa asigoona sidii laga filaayay si u dhow xitaa ku soconin.

Filimkaan oo jimcihii tiyaatarka la saaray ayaa si liito ku furmay wuxuuna keenay kaliya 4.50 crore halka shalay oo sabti aheydna uu keenay 6.50 crore lacagtaasoo wadar ahaan noqoneyso 11 crore mudo 2 maalmood waana ganacsi aad u liito maadaama filimkaan miisaaniyad culus xambaarsanyahay waxay aheyd in lacagtaas maalintiisa labaad keeno hase yeeshee ma dhicin.

Chhapaak maanta oo axad aheyd waxaa la islahaa fasaxa jira wuu ka faaideysan doonaa balse midaas ma aysan dhicin asigoona wax sare u kac muuqdo sameynin wuxuuna maanta keeni doonaa lacago u dhaxeeyo 7 ilaa 7.50 crore taasoo ka dhigan in filimkaan mudo 3 naalmood keeni doono qiyaas ahaan 18 crore waana lacago aad iyo aad u liito.

Fashilka filimkaan ku habsaday waxyaabaha ugu weyn ee ugu wacan ayaa waxaa kamid ah in sheekadiisa aad u liidato oo sidii laga filaayay aysan aheyn tiiyoo ay jirto in tiyaatarada lala saaray filim weyn oo Action ah misna jilaa weyn hogaamiye ka yahay (Tanhaji).

Isku soo wada duuboo lacagahaan waa kuwa qiyaas ah lacagaha rasmiga bari ayaa lasoo daabici doonaa balse saan saanta ma wanaagsan waayo filimkaan miisaaniyad 80 crore ayuu xambaarsanyahay sidaas owgeed haduu bari oo isniin ah hoos u dhac weyn sameeyo asigoon waliba fasaxii ka faaideysan waxay lamidtahay in filimbkaan burburay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here