Filimka fashilmay ee Chhapaak ayaa ganacsi aad u liito wali sii sameynaayo waxaana todobaadkiisa labaad ka lacag badin doono filimka Good Newwz oo todobaadkiisa 4aad saaran.

Filimka Chhapaak wali ma uusan gaarin 30 crore asigoona ganacsigiisa haatan maraayo 29.70 crore waxayna u muuqataa in cimri ahaantiisa uu 32 crore keeni doono kadibna tiyaatarada laga dajin doono.

Filimkaan ayaa khasaaro baaxad leh dhexda kaga jiro ayadoo kooxda filimkaan lagu waramaayo iney khasaareen in kabadan 50 crore waxaana dhawaan idinla wadaagi doonaa filimkaan xogtiisa dhameystiran haduu Big Flopp yahay ama uu Disaster yahay.

Run ahaantii filimka Chhapaqk fariinta uu xambaarsanyahay waa mid heer sare ah balse caqabado qabsadeen ayaa sababay in filimkaan Box Officeka ku fashilmo.

Hadaba halkaan hoos kaga bogo filimkaan iyo mudo 11 maalmood ganacsiga uu sameeyay.

Week1; 25.75 crore.

Jimce; 75 lakh.

Sabti 1.25 crore.

Axad; 1.50 crore

Isniin; 45 lakh.

Wadarta guud; 29.70 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here