filimka Chhapaak iyo sabtidiisii koowaad ganacsiga uu sameeyay.

0
896

Filimka Chhapaak oo ay hogaamiye ka tahay atariishada Deepika Padukone kuna mataleyso doorka gabadhii wajiga aashitada looga shubay ayaa shalay oo sabti aheyd sameeyay sare u kac 45% asigoo waliba Mumbai ka sameeyay 75% ilaa 80% sare u kac ah waxaana u sabab ah in filimkaan uu maalintii koowaad ee jimcaha aheyd uu halkaas aad uga liitay.

Sare u kicii uu shalay sameeyay filimka Chhapaak waxay ka caawisay inuu soo xareeyo 6.50 crore waana arin wanaagsan markii loo fiiriyo qaabkii liitay ee uu filimkaan maalintii jimcaha aheyd uu ku furmay waliba asoo keenay kaliya 4.50 crore waxaana laga filaayahy lacagtii uu shalay keenay.

Waa hubaal in Chhapaak uu maanta oo axad ah sare u kac sameyn doono kadibna isniinta sida uu hoos ugu dhaco ayaa laga shidaal qaadan doonaa filimkaan iyo halka uu higsanaayo wallow ilaa hada uu filimkaan qaab liito ku socdo.

Halkaan hoose kaga bogo filimka Chhapaak iyo mudo 2 maalmood ganacsiga uu sameeyay;

Jimce; 4.50 crore.

Sabti 6.50 crore.

Wadarta guud; 11 crore (qiyaas).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here