filimka Chhapaak iyo sadaxdiisa maalin ugu horeyso ganacsiga uuu sameeyay.

0
623

Filimka Chhapaak ayaa sadaxdiisa maalin ugu horeyso soo xareeyay kaliya 18 crore waana ganacsigii laga filaayay labadiisa maalin ugu horeyso inuu keeni doono balse filimkaan ayaa si liito ku bilowday.

Chhapaak shalay oo axad aheyd sidoo kalana maalin fasax aheyd kama faaideysan wuxuuna keenay kaliya 7 crore asigoona ganacsigii sabtida mid lamid ah keenay wallow uu dhheeryahay 50 lakh hadana wax la sheego ma ahan waxaana shalay la rabay ugu yaraan inuu 10 crore keeno si filimkaan naf ugu soo laabato balse ma dhicin.

Chhapaak fariinta uu xambaarsanyahay waa mid heer sare ah balse caqabad waxaa ku noqotay qaabka fariintiisa loo dhigay oo noqotay mid aad u liidato isla markaasna daawadayaasha tiyaatarka kusoo jiiri Karin waxaana dambiga ugu weyn leh Directedka filimkaan oo sheekada hab aan wanaagsaneen u dhigay.

Hadaba halkaan hoose kaga bogo filimka Chhapaak iyo mudo 3 maalin ganacsiga uu ku sameeyay;

Jimce; 4.50 crore.

Sabti; 6.50 crore.

Axad; 7 crore.

Wadarta guud; 18 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here