filimka Chhapaak iyo sida uu subaxaan ku furmay + halka uu duhurkaan maraayo mashruucaan fashil ayuu qarka u saaranyahay.

0
726

Filimka Chhapaak mudo labo maalmood wuxuu kusoo xareeyay 11 crore waana lacago gaabis ah maadaama laga filaayay in labada maalin ugu horeyso uu keeni doono 15 crore hase yeeshee midaas ma aysan dhicin.

Filimkaan waa filim reer magaalka loogu talo galay mana ahan filim madadaalo dhameystiran leh sidoo kalana atoore weyn kuma jiro sidaas owgeed waxaa hawada ka qabsaday filimka jilayaasha badan la isugu keenay ee Tanhaji – The Unsung Warrior kaasoo mudo labo maalmood kusoo xareeyay 34 crore.

Chhapaak jimcihii wuxuu ku furmay qaab niyad jab ah asigoona kaliya ku furmay 12% waana arin niyad jab ku noqotay kooxda filimkaan maadaama la filaayay in ugu yaraan ku furmi doono 25% si uu maalintiisa koowaad u keeno lacago u dhaxeeyo 6 ilaa 7 crore balse taas ma dhicin oo wuxuu keenay 4.50 crore.

Sidoo kale shalay oo sabti aheyd inkastoo sare u kac fiican sameeyay hadana lacagihii sabtidii laga filayay unbuu keenay 6.50 crore hadaba xaalka filimkaan maanta oo axad ah sidoo kalana maalin fasax ah waa side?

Chhapaak ayaa fagta hofe ee subaxaan tiyaatarada India kaga furmay 25% waana guud ahaan tiyaatarada India Single Screens ilaa Multiplex.

Qaabka uu subaxaan ku furmay waxay lamid tahay isla qaabkii uu shalay ku furmay mana muuqato wax sare u kac weyn uu sameeyay saakay balse duhurkaan ayuu sare u kac fiican sameeyay asigoona ku furmay 46.11% .

Sida muuqato mashruucaan wuu fashilmi doonaa maadaama warar hordhac aan ku helnay ay sheegayaan in filimkaan lagu qarash gareeyay 80 crore waana miisaaniyad adag oo ay ku adkaan doonto in filimkaan dib usoo celiyo.

Chhapaak maanta oo axad ah wuxuu keeni doonaa qiyaas ahaan 8 ilaa 9 crore asigoona sadaxdiisa maalin ugu horeyso ay ku adkaan doonto inuu xitaa 20 crore gaaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here