Filimka Chhapaak ayaa quus taagan kadib markii uu isniintii siweyn hoos ugu dhacay asoo markii hore ganacsigiisa liitay sidoo kalana talaadadii shalay aheyd fasaxii jiray marnaba kama faa’ideysan waxaana uu keenay kaliya 2.25 crore.

Chhapaak haatan ganacsigiisa guud wuxuu marayaa 22.25 crore waxaana muuqato in filimkaan uu todobaadkiisa koowaad keeni doono 26 crore asigoona cimri ahaantiisa aan xitaa 35 crore gaari doonin waana Big Flop intaas waxaa usii dheer in Jimcaha tiyaatara ugu badan laga dajin doono maadaama uusan filimkaan soconin tiyaatarada badankooda waa laga dajin doonaa.

Hadaba halkaan hoose kaga bogo Chhapaak iyo mudo 5 maalmood ganacsiga uu sameeyay;

Jimce; 4.50 crore.

Sabti; 6.50 crore.

Axad; 7 crore.

Isniin; 2 crore.

Talaado; 2.25 crore.

Wadarta guud; 22.25 crore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here