Filimka Commando 3 iyo ganacsiga uu keenay isniintiisa koowaad.

0
1377

Filimka Commando 3 ayaa siweyn isku celiyay isniintiisa koowaad asigoona kaliya sameeyay 30% hoos u dhac markii lala barbardhigo jimcadiisa koowaad waxayna tani mashruucaan u suurto galineysaa inuu tiyaatarada baaqi kusoo ahaado isla markaasna ganacsi wacan sameyn doono.

Commando 3 ayaa maalintii shalay aheyd soo xareeyay 3.15 crore waxayna tani ka dhigantahay in mudo 4 maalmood uu filimkaan ku keenay 21.50 crore waana lacago aad iyo aad u wanaagsan.

Commando 3 sida uu haatan ku socdo waxaa laga cabir qaadan karaa in todobaadkiisa 1aad keeni doono qiyaastii 29 crore balse todobaadkiisa labaad waxay ku xirnaan doontaa sida tiyaatarada loogu yareeyo balse waxay u badantahay in cimri ahaantiisa uu 40 crore kor u dhaafi doono.

Halkaan hoose kaga bogo Commando 3 iyo mudo 4 maalmood ganacsiga uu sameeyay;

Jimce; 4.75 crore.

Sabti; 5.75 crore.

Axad; 7.75 crore.

Isniin; 3.15 crore.

Wadarta guud; 21.40 crore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here